Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirada Imaaradaka iyo Masar u jooga Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka Imaaraadka Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, waxa uuna safiirka ugu tagay guddoomiyaha sallaan iyo hambalyo.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale guddoomiyaha gollaha shacabka soo gaarsiiyay dhambaal salaan iyo hambalyo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Imaaraadka carabta (UEA) mudane Saqr Ghobasha.

Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, ayaa bogaadiyay hoggaamintii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee qabashada doorasho xur iyo xalaal ah oo aan keenin buuq siyaasadeed.

Dhinaca kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale qaabilay safiirka dalka Masar Amb. Mohamed El Baz oo u yimid salaan iyo hambalyo uu ka siday isna Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Masar mudane Dr. Ali Abdel-Aal.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa horey ula kulmay safiiro iyo wakiillo kale oo katirsan beesha caalamka, waxaana lasoo gaarsiiyay dhambaallo hambalyo ah oo looga siday guddoomiyaal Baarlamaan iyo madax kale.

SHARE