Ciyaaryahan hore uu Dhalay Hogaamiyihii Liibiya oo Xabsi laga sii daayay

Wiil uu dhalay Hogaamiyihii la dilay ee dalka Liibiya oo lagu magacaabo Saadi Qaddafi ayaa laga sii daayay xabsi kuyaala magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya kadib markii xeer ilaaliyaha dalkaasi amray in lasii daayo.

Saadi Qaddafi ayaa intii uu socday kacdoonkii xilka looga tuuray aabihiis laguna dilay sanadkii 2011-kii u baxsaday dalka Niger, hasa ahaatee dowlada Nager ayaa sanadkii 2014-kii Sacad usoo gacan gelisay dowlada Liibiya oo xabsi dhigtay.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka Liibiya Saadi Qadaafi ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah dibadbaxayaal sanadkii 2011 iyo inuu dilay tababarihii xulka kubadda cagta ee Libya Bashiir Al-Rayani oo la dilay sanadkii 2005-tii.

Maxkamad kutaala Tripoli oo la saaray Wiilka Qadaafi ayaa lagu waayay wax dambi ah oo la xariira dilkii al-Rayani bishii Abriil 2018, waxaa sidoo kale ninkan lagu waayay dambiyo kale oo lagu eedeeyay oo la xariiray in uu ku lug lahaa dilka dibad baxayaal.

Ilo ka tirsan xafiiska dacwad oogaha ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in madaxa dacwad oogaha uu dhowr bilood ka hor codsaday in la fuliyo go’aanka sii deysmada Saadi Qadaafi isla marka la buuxiyo dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Dowlada Liibiya ayaa horey sidan oo kale la sheegay in ay usii deysay mid kamid ah Wiilashii ugu awooda badnaa uu dhalay Hogaamiyihii Liibiya Saif al-Islam Gaddafi kaa oo isna sanado badan u xirnaa dowlada Liibiya.

SHARE