Maxay la wada hadleen Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Cumaan ?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah, khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi.

Waxay ka wada hadleen xiriirka adag ee labo geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada wasiir waxa ay sidoo kale waxay isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan.

SHARE